MUQDISHO [SMN] – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan afur ah ku maamuusay haldoorka haweenka Soomaaliyeed, munaasabad 8-da Maarso oo ah Maalinta Haweenka Adduunka awgeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si qoto dheer u sharaxay kaalinta muhiimka ah ee haweenka Soomaaliyeed ay ka qaadanayaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, kaas oo haweenku ay yihiin udub-dhexaadka bulshada, islamarkaana ay si toos ah uga qeyb qaataan dadaallada lagu xoreynayo dalka, iyagoo ka shaqeynaya wacyigelinta, taageerada ciidamada iyo dhisidda bulshada deegannada laga xoreeyey Al-Shabaab.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa bogaadiyey doorka haweenka Soomaaliyeed ee ku aaddan geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo xoreynta dalka, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in haweenka Soomaaliyeed ay si firfircoon uga qeyb qaataan hanaanka doorashooyinka tooska ah oo fursad u siinaya in ay codkooda dhiibtaan, u tartamaan xilalka qaranka, isla markaana ay door muuqda ku yeeshaan hoggaanka dalka.









