Xasan Sheekh oo la kulmay Taliyaha cusub ee AFRICOM si loo xoojiyo iskaashiga amniga iyo la-dagaallanka argagixisada

0

Muqdisho, 4 Sebtembar 2025 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Taliyaha cusub ee Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), General Dagvin R.M. Anderson, oo ay wehlinayeen Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley.

 

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, gaar ahaan dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada, iyo dadaallada xasillinta dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey AFRICOM doorka muhiimka ah ee ay ku leedahay taageerada dib-u-habeynta hay’adaha amniga Soomaaliya, isaga oo xusay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay inay sii waddo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida, iyadoo la kaashaneysa saaxiibada caalamiga ah.

Taliye Anderson ayaa dhankiisa mar kale xaqiijiyey sida Mareykanku uga go’an tahay inuu si dhow ula shaqeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo ciribtiro khataraha argagixisada loona dhiso nabad waarta oo gobolka ah.

Booqashada Taliyaha cusub ee AFRICOM ayaa muujineysa sii socoshada iskaashi xooggan oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, iyagoo ka wada shaqeynaya sidii loo wajihi lahaa caqabadaha amniga gobolka loogana shaqeyn lahaa xasilloonida Geeska Afrika.

Iskaashiga labada dal ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo ciidamada Soomaaliya ay wadaan howlgal ballaaran oo lagula dagaallamayo ururka Al-Shabaab, iyadoo ay garab taagan yihiin ciidamada Mareykanka iyo kuwa Midowga Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here