Xasan Sheekh oo shir gudoomay shir ku saabsan difaaca Madax-banaanida iyo wadajirka dalka

0

Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku jira wadatashiyo Qaran oo lagu xoojinayo midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dalka, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay mas’uuliyiinta hay’adaha fulinta iyo sharci-dejinta ee dowladda Federaalka ku matala gobollada Waqooyi ee dalka.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa midnimada Qaranka, loogana hortagi lahaa faragelinta shisheeye, iyadoo Madaxweynaha uu mas’uuliyiinta ka dhageystay tallooyin iyo aragtiyo wax ku ool ah oo ku saabsan hannaanka ugu habboon ee lagu ilaalin karo wadajirka iyo qarannimada Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa mas’uuliyiinta ku boorriyey in ay qaataan doorkooda mas’uuliyadeed ee ku aaddan ilaalinta midnimada dalka iyo xoojinta hay’adaha dowladda, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadajir iyo isku duubni Qaran.

Dhankooda, mas’uuliyiinta Xukuumadda iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ku matala gobollada Waqooyi ayaa Madaxweynaha ku bogaadiyay dadaalka joogtada ah ee uu ugu jiro difaaca gobanimada iyo midnimada dalka, iyaga oo ballan qaaday in ay si buuxda uga qayb qaadan doonaan ololaha Qaran ee looga hortagayo kala-qaybsanaanta iyo wiiqidda midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here