Xasan Sheekh oo Soo Gabagabeeyay Safarkiisii Mareykanka Iyadoo Su’aalo la Iska Weydiinayo Natiijadiisa

0

NEW YORK – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gabagabeeyay safarkiisii Mareekanka kadib ka qeyb galka shirka qaramada Midoobe iyo kulamo duceedyo looga hadlayay xaaladda Soomaaliya.

 

Inkastoo safarka madaxweynaha ee Mareekanka uu ahaa mid balaaran hadana waxaa daboolay cabashada dhulka ee ka taagan Muqdisho, hadal hayn badan bulshadu kama aysan muujinin safarkaasi.

Intii Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku sugnaa dalka Mareekanka waxa uu shir gudoomiyay kulan looga hadlayay Taageerada howlgalka Ausom oo loo la’yahay dhaqaale.

Waxaa taagan culwyska howlgalkan cusub oo wadamadii qeybta ka ahaa sida Masar wali ciidamo aysan u soo dirin Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa geesta kale la kulmay dhigiisa Mareekanka Donald Trump isagoo ka qeyb galay Casho sharaf uu sameeyay Madaxweyne Trump.

Dr. Xasan Sheekh ayaa ayaa sawir la galay Madaxweynaha Trumo isaga oo dhoola cadeenaya, xili Trump dhawaan uu gaf weyn u geystay Soomaaliya xili uu weerar afka ah ku qaadayay Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka Senetka Mareekanka.

Mana jirto wax war ah oo muujinaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Trumo uu kala hadlay aflagaadeyntiisa soo laalaabatay ee JFS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here