MUQDISHO — Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay inuu bilaabay baaris rasmi ah oo ku saabsan cabasho uu gudbiyay muwaadin Soomaali ah, kaas oo ku eedeeyay Maareeyaha Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlines ee xafiiska Muqdisho tacaddi iyo ku tagrifal awoodeed.
War kasoo baxay xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ayaa lagu sheegay in cabashada muwaadinka ay ku saabsan tahay dhacdo uu sheegay in lagu xanaaqsiiyay, laguna dhayalsaday xuquuqdiisa, intii uu la macaamilayay maamulka shirkadda.
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha ayaa xaqiijiyay in la bilaabay ururinta xogta iyo wareysiyada hordhaca ah, si loo ogaado xaqiiqada dhabta ah ee dhacdada, loona hubiyo in lagu dhaqmay sharciga iyo habraacyada qaran ee ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.
“Waxaan qaadnay tallaabo degdeg ah si aan u hubinno eedaha la sheegay, una xaqiijino in cid walba lagula xisaabtamo sida uu sharcigu qabo,” ayaa lagu yiri bayaan uu xafiisku soo saaray.
Turkish Airlines weli kama aysan hadlin eedaha loo jeediyay maareeyahooda Muqdisho. Shirkaddu waa diyaaradda keliya ee duulimaad toos ah ka sameysa Muqdisho, waxaana adeegsada kumannaan rakaab ah toddobaad kasta.
Baaritaanka ayaa weli socda, iyadoo natiijadiisa lagu wado in la shaaciyo marka la soo gabagabeeyo.




