Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo musuq ku soo eedeeyay mas’uuliyiin horleh

0

MUQDISHO (SMN) – Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay eedda 7 sarkaal oo ka kala tirsan Hey’adda socdaalka Iyo Jinsiyadda, Xafiiska Hanti-dhowrka guud ee Qaranka iyo Wasaaradda Maaliyadda.

 

Raggan oo dhammaantood maqanayaal ah ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta musuq maasuq iyo xatooyo xoolo dadweyne.

Dowladda Soomaaliya ayaa in dhowaanahan ku howlaneyd la dagaallanka Musuq-maasuqa oo loo soo xiray mas’uuliyiin dhowr ah, kuwaas oo qaarkood maxkamad la soo taagay halka kuwo kalana ay ka baxsaddeen gudaha dalka.

Halkan hoose ka akhriso:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here