XFS oo shaacisay inay ka cabsi qabto xanuuno ka dilaaca fatahaadaha dalka

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa war cusub kasoo saaray xaaladda adag ee ka jirta dalka, gaar ahaan fatahaadaha ku dhuftay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan cuduro ka dilaaca meelaha ay biyaha fadhiyaan, isaga oo tilmaamay in arintaas ay wax ka qaban doonaan.

Sidoo kale waxa u sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay hadda waddo dadaallo dheeraad ah oo ku aadan sidii loogu gurman lahaa dadka kasoo barakacay fataahadaha dalka.

Soomaaliya ayaa ku jirto xaalad bani’aadanimo oo aad u adag, taas oo ka dhalatay fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay xaaladda Elinino oo la laga dareemay dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here