Xiisad Colaadeed oo Ka Dilaacday Shabeellaha Hoose Kadib Dilka 13 Qof oo Shacab ah

0

Muqdisho – Xiisad colaadeed ayaa si wayn dib uga soo cusboonaatay gobolka Shabeellaha Hoose kadib markii 13 qof oo rayid ah lagu dilay duleedka deegaanka Yaaqberi-weyne, sida ay sheegeen ilo-wareedyo maxalli ah.

 

Dilka ayaa ka dhacay meel ceelbiyood ah oo lagu balamay in lagu gorfeeyo khilaaf soo jiitamayay, balse waxa lagu eedeeyay in ay fuliyeen ciidamo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, sida uu warbaahinta Shabelle u xaqiijiyey Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo shacabka deegaankaas ku matala Golaha Shacabka.

“Dadkani waxay ahaayeen shacab si nabad ah ku kulmay, mana jirin wax colaado ah oo markaas ka taagnaa goobta. Waxaa si xaqdarro ah loo laayay, taasoo muujinaysa fal aano ah oo salka ku haysa dagaallo horey uga dhacay deegaankaas,” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Dilka ayaa kiciyay dareen cabsi iyo caro leh oo ku baahay bulshada deegaanka, iyadoo weli aanay jirin wax jawaab rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed ama dowladda federaalka ah.

Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, iyadoo laga cabsi qabo in colaadda ay sii fido, maadaama qoysaska dadkii la dilay ay dalbadeen caddaalad degdeg ah iyo in la helo kuwii ka dambeeyay falkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here