Xiisad Colaadeed oo Ka Taagan Deegaanka Ceelbuh ee Gobolka Sanaag

0

MUQDISHO – Xiisad dagaal ayaa ka taagan gobolka Sanaag, gaar ahaan tuulada Ceelbuh, kadib markii ay halkaasi isku hor yimaadeen ciidamo ka tirsan Puntland iyo kuwo uu hoggaaminayo guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in iska horimaad ka dhacay deegaankaasi uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray dad rayid ah. Ciidamada Puntland ayaa la sheegay inay u socdaaleen Ceelbuh si ay u joojiyaan shir aayo ka tashi ah oo la qorsheeyay in lagu qabto halkaas.

Sida la fahamsan yahay, Puntland waxay ku eedeysay siyaasiyiin xiriir la leh dowladda Federaalka Soomaaliya inay wadaan olole lagu doonayo in gobolka Sanaag lagu daro maamulka SSC-Khaatumo. Ciidamada Puntland ayaa la rumeysan yahay inay tallaabadan u qaadeen si ay uga hortagaan arrintaas.

Waxaa jirta cabsi xooggan oo laga qabo inuu qarxo dagaal toos ah oo u dhexeeya labada ciidan ee ku sugan Ceelbuh, iyadoo Cabdirashiid Yuusuf Jibriil uu goobta weli joogo. Cabdirashiid ayaa ka mid ah siyaasiyiinta hormuudka u ah dadaallada lagu doonayo in gobolka Sanaag uu qeyb ka noqdo maamulka SSC-Khaatumo.

Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa ayaa dhawaan ku eedeeyay dowladda Federaalka inay faragelin siyaasadeed ka waddo gobolka Sanaag, iyagoo adeegsanaya siyaasiyiin deegaanka kasoo jeeda.

Dhanka kale, cuqaasha iyo waxgaradka gobolka Sanaag ayaa bilaabay dadaallo nabadeed. Waxay si ku meel gaar ah u joojiyeen shirka aayo ka tashiga ahaa si looga hortago dagaal sokeeye oo halkaas ka qarxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here