Xiisad dagaal oo ka taagan Gobolka Galgaduud

0

Xiisad dagaal ayaa laga soo warinayaa inta u dhaxeysa degmooyinka Ceel Dheer iyo Masagawaa ee gobolka Galgaduud kadib markii degaano kaabiga ku haya labada degmo ay soo galeen dagaal yahano ka tirsan Kooxda Al Shabaab.

 

Wararka ayaa sheegaya in laga cabsi qaba in halkaasi isku fara-saaraan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Kooxda Al Shabaab.

Dhinaca kale, ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sida la sheegay lagu daad gureeyay laba degmo, si ay u adkeen amniga islamarkaana ugu horteggaan weerarada Al Shabaab.

Dhowaan mas’uuliyiin iyo xildhibaano ay booqasho ku tegay labada degmo, si ay u dhiiro-geliyaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda qeybo ka mid ah Gobollada Dalka.

Si-kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ku qaaddo saldhigyada ciidamada dowladda, iyadoona dhowaan la wareegtay gacan ku heynta Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Sh.Dhexe iyo degaano kale oo dhaca Gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here