Xiisad dagaal oo maanta ka taagan degmada Luuq ee gobolka Gedo

0

LUUQ (SMN) – Xaalad kacsanaan ayaa maanta ka taagan degmada Luuq ee gobolka Gedo, taas oo daba socota dagaal culus oo shalay ka dhacay gudaha degmadaasi.

 

Dagaalka ayaa ka dhashay muran soo kala dhex-galay laba askari oo mid kamid ah goobta lagu dilay, waxaana kadib sidaas ku qarxay xiisadda oo isku beddaly mid beeleed.

Sidoo kale waxaa inta uu dagaalka socday la gubay suuqii weynaa ee degmada Luuq, kaas oo gebi ahaan basbeelay, waxaana kadib faraha ka baxay xaaladda guud.

Dhinacyada dagaalamay ayaa weli isku horfadhiya halkaasi, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidanka dowladda iyo maamulka gobolka oo ku aadan xiisaddaas.

Xaaladda kasoo korortay Gedo ayaa kusoo aadeyso, ayada oo gobollo badan oo kamid ah dalka ay haatan ka taagan yihiin dagaal beeleedyo sababay khasaarooyin kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here