Xiisad culus oo ka dhex qaraxday ciidamada PSF iyo Booliska Puntland

0

BOOSAASO (SMN) – Xiisad culus ayaa mar kale ka dhex qaraxday ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF iyo Booliska Puntland, taas oo si wayn looga dareemay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

 

Xiisaddan ayaa ka dhalatay, kadib is rasaaseyn kooban oo shalay labada dhinac ku dhex martay bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Taliyaha ciidanka booliska Puntland General Muumin Cabdi Shire oo shir jaraa’iid qabtay ayaa eedeymo culus u jeediyay ciidanka PSF ee uu tababaro Mareykanka, wuxuuna sheegay inay cadow u arkaan Booliska Puntland.

Taliska PSF oo isna soo jawaabay ayaa beeniyay eedeynta taliyaha booliska oo uu ku tilmaamay mid aan sal iyo raad lahayn.

Halkan hoose ka akhriso:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here