LAASCAANOOD (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanan ah laga dareemayo deegaano hoostaga gobolkaaasi, halkaas oo ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatuma.
Labada dhinac ayaa haatan abaabul xoogan ka wada galbeedka magaalada Laascaanood oo ay shalay ku wada dagaalameen.
Axmed Cali Xuseen oo kamid ah dadka deegaanka ayaa ka warbixiyay xaaladda, waxaana uu sheegay in weli xiisadx oogan ay ka taagan tahay gobolka SOol, isla-markastaana laga cabsi qabo inuu dagaal culus ka qarxo halkaasi.
Laascaanood oo ay muddo 8 bilood ah ku dagaalamayeen labada dhinac ayaa ugu dambeyn lagu kala baxay 25 August ee sanadkan, kadib markii ciidamada Somaliland laga qabsaday taliskii ugu weynaa ee Goojacadde tan iyo markaas wixii ka dambeeyay xaaladda ayaa daganeyd, inkastoo SSC iyo Somaliland ay laduba dhaq-dhaqaaq ka wadeen gobolka Sool.