Xiisad xoogan oo ka taagan Awdheegle iyo calankii K/Galbeed oo laga dajiyay

0

AWDHEEGLE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah ay ka taagan tahay degmada Awdheegle ee gobolkaasi.

 

Xiisadda ayaa ka dhalatay kadib markii ay caro xoogan ka dhalatay dhibaato la sheegay in ciidamada ku sugan halkaasi ay ku hayaan dadka shacabka ah.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada maamulka degmada Awdheegle Maxamuud Axmed Sheekh oo u warramay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in isbaarooyin lasoo dhigtay degmada, sidoo kale lacago baad ah laga qaado shacabka.

Maxamuud Axmed Sheekh ayaa sheegay in dhibaatooyinkaas ay gaysanayaan ciidamadii u xil-saarnaa amniga, isaga oo intaas kusii daray in xittaa Calankii Koonfur Galbeed laga dajiyay degmada Awdheegle, sababo la xiriira xiisadda ka taagan halkaasi.

Si kastaba, ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha amniga ee ku sugan Awdheegle ee ku aadan eedeyntaasi loo jeediyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here