JOWHAR (SMN) – Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaaladaasi, kadib markii ay ku dagaalameen ciidamo ka wada tirsan kuwa maamulka HirShabelle.
Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamo ka wada tirsan kuwa ilaalada madaxtooyada oo uu muran soo kala dhex-galay, sida ay innoo sheegeen dadka degaanka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in iska hor imaadkaasi uu ku dhintay hal askari, ayna ku dhaawacmeen kuwa kale.
Sidoo kale waxaa weli lagu soo warramayaa in xiisad xoogan ay ka taagan tahay qaybo kamid ah magaalada ooay isku hordhiyaan labada dhinac.
Si kastaba, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay madaxda HirShabelle oo ku aadan shaqaaqadaas iyo xiisadda ka dhalatay ee ka taagan magaalada Jowhar.