KISMAAYO (SMN) – Dagaal ka dhaca Jubbada Hoose ayaa la rumeysanyahay in uusan kaliya ku ekaandoonin gobolkaasi ee uu saameyn doono Geeska Afrika, sida ay aamnsanyihiin falanqeeyeyaasha u dhuun daloolo xiisada sii xoogaysanay ee Jubbaland.
Tan iyo markii ay bilaabatay xiisadda Jubbaland ee ka dhaxaysa Dowladda Federaalka iyo gobolka waxaa jiray ciidan aad u fara bdan oo ka socda dalka Itoobiya oo gudaha u soo galay deegaanada dhaca xuduuda iyaga oo isku fidinayay deegaanno horleh.
Durbaanka colaadeed ee la tumayo ayaa laga dhur sugayaa halka laga yeerin doono seeriga dagaalka, haddii xaalku uusan waxba iska beddalin sida ay hadda wax ku socdaan ee isku hub iyo ciidan aruursiga ka socda Jubada Hoose.
Halkan hoose ka daawo Warbixinta:-