Xiisadda ka taagan Sanaag oo kasii dirtay kadib dil ay gaysteen ciidanka Somaliland

0

MUQDISHO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya ayaa shergaya in weli xiisad colaadeed laga dareemayo magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolkaasi.

 

Xiisadda ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka sii dartay kadib markii xalay halkaasi lagu dilay wiil dhalinyaro ah oo ku sugnaa xaafad ka tirsan Ceerigaabo.

Dilka wiilka dhalinyarada ah ayaa waxaa lagu eedeeyay inay gaysteen ciidamada Somaliland, waxaana lagu magacaabi jiray Ayuub Boqor Gacma-yare.

Marxuumka ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray rasaas ay ku fureen ciidamada Somaliland oo la sheegay in ay roondo ku jireen.

Xaaladda gobolka Sanaag ayaa maalmihii lasoo dhaafay kacsaneyd, waxaana ka dhacay dagaal u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaad hubeysan, kaas oo gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here