Muqdisho, Soomaaliya — Xiisadda u dhexeysa Masar iyo Itoobiya ayaa sii kordheysa, iyadoo labada dal ay isku hayaan arrimo la xiriira howlgalka ciidamo ee Soomaaliya ka socda.
Itoobiya ayaa dhawaan sheegtay inay si gaar ah ula socoto ciidamada Masar ee la filayo inay ku soo wajahan yihiin Soomaaliya, halka saraakiil Masri ah ay shalay soo gaareen Muqdisho si ay u qiimeeyaan goobaha ciidamadooda lagu dajin doono iyo gobollada ay ka howlgali doonaan.
Masar iyo Itoobiya ayaa muddo dheer ku jira xiisad salka ku haysa qadiyada biyaha Niilka, gaar ahaan muranka ku saabsan Biyaha-xireenka Itoobiya.
Itoobiya ayaa u aragta ciidamada Masar ee kusoo wajahan Soomaaliya inay caqabado ku yihiin danaha ay ka leedahay dhinaca badda iyo amniga gobolka.
Khabiir amni oo magaciisu yahay Mataan Cali Xasan ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay dal madax-bannaan isla markaana xaq u leedahay inay go’aan ka gaarto cidda dalkeeda kala shaqeynaysa dhinaca amniga.
Waxa uu tilmaamay in gudaha Soomaaliya ay ku sugan yihiin ciidamo Itoobiyaan ah oo si sharci darro ah dalka uga jooga, loona baahan yahay inay isaga baxaan.
Falanqeeyayaasha arrimaha gobolka ayaa ka digaya khatar soo fool leh oo Soomaaliya ku haysa, iyagoo aaminsan in khilaafka u dhexeeya labada dal ee Masar iyo Itoobiya uu saameyn weyn ku yeelan karo xaaladda amni iyo xasillooni darrada ka jirta Soomaaliya, iyadoo labada dhinac ay ku hardamayaan sidii ay u xoojin lahaayeen saameyntooda gobolka.




