Xiisaddii raadinta maqaamka Muqdisho oo markale soo rogaal celisay

0

MUQDISHO (SMN) – Waxaa mar kale cirka isku shareertay xiisadda raadinta maqaamka caasimada Muqdisho, kadib markii todobaadkii hore Golaha Wasiirada ay ansixiyeen sharciga doorashooyinka dalka, kaas oo aan lagu caddeyn maqaamka rasmiga ah ee Muqdisho.

 

Arrintan ayaa dhalisay falcelin xoogan, waxaana ka hadlay mas’uuliyiin kala duwan iyo odayaasha dhaqanka gobolka Banaadir.

Guddoomiyihi hore gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa yiri  “Muqdisho waa in ay heshaa Maqaam marka hore laga talogeliyay dadka deegaanka,Iskuna dheelitiraya Xuquuqdooda iyo xaqqa Umadda Soomaaliyeed ee ay Caasimadda u tahay,islamarkaana ay heshaa metelaad Aqalka sare ah iyo awood fulineed oo mideysan”.

Taabit Cabdi Maxamed oo isna horay usoo noqday duqii Muqdisho ayaa ku jawaabay “Masiir ummaddeed qofka raba inuu qol mugdiya ku qoro, dadkana ka qariya yiraahda waxay la mid tahay qof qarway oo haddana run mooday qarowgiisa. ‪Waxa la qarinayo dabcan waa muddo-kororsi iyo in Muqdisho Maqaam la’aan la dhigo, waa la yaqaan cawaaqibta ka dhalan karta”.

Ugaas Maxamuud oo ah Ugaaska Muddulood ayaa isna qoraal uu soo saaray ku yiri “Ugaaska Mudulood: “Ciddii tashan weydo waligeed ayey ahaan jirtay in loo taliyo,waa ku mahadsan tahay cid kasta oo gacan ka geysatay qodobka 22-aad ee xeerka maanta soo baxay,wan jiifnay waana na toosiyeen,Muqdisho dadka degan ayaa deg deg uga tashan doona,masiirkeeda waxayna xuquuqda iyo wajibaadka ay kala sinaan doonta gobolada dalka iyadoo la ilaalinayo sharafta iyo karaamada caasimadnimo”.

Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Abdinuur Nabadoon Ahmed Diiriye. “Shacabka reer Muqdisho laga-lama tashan xeerka shalay ay ansaxiyeen golaha Wasiirada Soomaaliya gaar ahaan qodobka 22-aad ee xeerka Doorashooyinka. Sidaas darteed, waxaan soo jeedinayaa in dadka reer Muqdisho ay deg deg uga tashadaaan masiirkooda, ayna xuquuqda iyo waajibaadka kala sinaadaan gobolada dalka iyadoo la ilaalinayo sharafta iyo karaamada Caasimadnimo”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here