MUQDISHO [SMN] – Dood kulul ayaa Maanta ka dhacday Gollaha Shacabka, taasoo ka dhalatay hadal uu jeediyay Xildhibaan laga soo doorto maamulka Jubaland state.
Xildhibaan Xasan Firinbi ayaa yiri: “Xildhibaanad Gobson oo cid ay matasho aan laheyn oo barakace ku ah Xamar in ay danteena ka hadasho waa qalad”.
Wuxuu sheegay in Xildhibaanada Somaliland ka yimid aysan lahayn deegaan doorasho iyo cid ay matalaaan, isagoo ku tilmaamay inay yihiin barakacayaal Muqdisho ku nool.