MUQDISHO – Mid ka mid ah xildhibaannada kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa si kulul uga hadashay xaaladda magaalada Baydhabo, iyadoo eedeyn u jeedisay hoggaanka maamulka.
Xildhibaan Aamina Eelay ayaa sheegtay in xaaladda Baydhabo ay tahay mid adag, isla markaana ay jiraan cabashooyin ku saabsan sida arrimaha bulshada iyo siyaasadda loo maamulayo.
Hadalkan ayaa imanaya xilli ay jirto hadal-heyn siyaasadeed oo ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo, taas oo ah xarunta ku-meelgaarka ah ee maamulkaas.
DAAWO




