WASHINGTON [SMN] – Xildhibaan Brandon Gill oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee laga soo doorto Gobolka Texas, ayaa wada qorshe Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga, laga musaafuriyo dalka Mareykanka.
Xildhibaanka, oo si joogto ah uga hadla arrinta Ilhaan, ayaa ku eedeeyay in ay taageerto dadka aan sharciga lahayn ee ka soo jeeda Soomaaliya ee ku sugan Maraykanka.
Brandon Gill ayaa sidoo kale qoraal uu soo saarey ayuu ku yiri, “ma ahayn inaan marnaba u ogolaan Ilhaan Cumar inay dalkeena soo gasho. Runtii, Ameerika waxay ahaan lahayd meel aad uga wanaagsan sida hadda ay tahay, haddii dib loogu celiyo Ilhaan Soomaaliya.”
Brandon Gill ayaa aaminsan in Ilhaan Cumar ay si gaar ah daacad ugu tahay dadka ka soo jeeda Soomaaliya, isaga oo ka dhawaajiyay in ay u muuqato inay ka shaqeyneyso ajende ka duwan midka Mareykanka.
Ilhaan Cumar ayaa ku caan baxday inay si weyn u dhaleeceyso siyaasadda madaxweyne Donald Trump, taas oo ka dhigaysa mid si weyn looga hadal hayo siyaasadda gudaha Mareykanka. Ilhaan Cumar ayaa qaadatay dhalashada Mareykanka sanadkii 2000, kadib markii ay Soomaaliya uga carartay dagaallo sokeeye.
Qorshaha Xildhibaan Brandon Gill ayaa noqday mid si weyn looga hadal hayo gudaha Mareykanka, maadaama Ilhaan Cumar oo saameyn ku leh siyaasadda Mareykanka uu rabo dalkaas in laga soo tarxiilo oo dib loogu soo celiyo Soomaaliya.
Ilhan Cumar oo laga soo doorto degmada 5aad ee gobolka Minnesota ayaa bishii November ee sanadkii hore ku guuleystay mar 3aad kursiga Congress-ka, iyadoo ay codkooda siiyeen dad Soomaali ah iyo kuwa aan ahayn oo gobolka degan.