Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caana nuug) ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu uga soo laabtay furimaha dagaalka si uu ugu ambabaxo dalka Itoobiya.
Xildhibaanka ayaa tilmaamay in Madaxweynaha uu doonayo in Itoobiya uu ka codsado Ciidamo dheeraad si buu yiri ay qeyb uga noqdaan dagaalka lagula jiro Al Shabaab.
Mudanahan ka tirsan baarlamaanka ayaa sheegay in dalka ay joogaan ciidamo ajaaniib oo ku filan islamarkaana aysan waxba soo kordhin doonin hadii la keeno ciidamo dheeraad ah, sida uu hadalka u dhigay.
Halkan ka dhegeyso Wareyska Xildhibaan Caana Nuug