Xildhibaan Cilmi “Muuse Biixi waa waayeel cimrigiisa ceeb ku sagootinaya”

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya, ahna xildhibaan haatan ka tirsan Golaha Shacabka Cilmi Maxamuud Nuur oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda dalka iyo xiisadda ka dhalatay heshiiska badda ee Itoobiya.

 

Cilmi ayaa weerar culus ku qaaday madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo isugu soo galay heshiiskaasi, wuxuuna tilmaamay in aan wada-hadal lala gelin maamulka Hargeysa illaa inta ay a laabanayaan heshiiska oo xadgudub ku ah Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu Muuse Biixi ku tilmaamay inuu yahay waayeel cimrigiisa ceeb ku sagootinaya, sida uu hadalka u dhigay.

”Maamulka Somaliland inta ay ka shaqeynayaan fulinta damaca Itoobiya wax wadahadal oo lala gali kara ma jiro, Muuse Biixi waa waayeel cimrigiisa ceeb ku sagootinaya, Nasabkii dadka xitaa wuu bedelaya oo wuxuu leeyahay Oromo ayaad tihiin” ayuu yiri Cilmi.

Halkan hoose ka daawo Wareysiga:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here