Xildhibaan Firinbi: Kaacaankii waxaa wax ka sheegi kara cidii wax ka fiican qabtay

0

MUQDISHO, Soomaaliya — Xildhibaan Firinbi oo babaabka xarunta Gollaha Shacabka Maanta kula hadlayay wariyeyaasha, ayaa ka hadlay iibka suuqa Jaamacadda Umadda, isagoo tilmaamay in jaamacadda uu dhisay Kacaanku lagu iibsaday suuqa madow.

 

“Jaamacadii Umadda ee Kacaanku uu dhisay ayaa suuq madoow lagu iibiyaa, Kacaankii waxaa wax ka sheegi kara cidii wax ka fiican qabtay,” ayuu yiri Xildhibaan Firinbi.

Xildhibaan Firinbi ayaa sidoo kale sheegay in kacaanka wax ka sheegi karto kaliya dowlad qabatay wixii uu  qabtay wax ka fiican, taasoo aan dalka soo marin mudadii burburka.

Wuxuu ku baaqay in la xoojiyo ilaalinta hantida qaranka iyo in la xaqiijiyo in adeegyada waxbarasho ee muhiimka ah aysan ku dhicin gacanta suuqyada madow, si shacabka Soomaaliyeed loogu adeego si cadaalad iyo hufnaan leh.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here