Muqdisho, 12 Agoosto, 2025 – Xildhibaan hore Cabdi Bare Yuusuf Jabriil ayaa wareysi uu siiyay Warbaahinta Shabelle kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee gobolka Gedo, isagoo si kulul u dhaliilay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, islamarkaana ku eedeeyay in si sharci-darro ah uu u wajahayo khilaafka siyaasadeed ee ka dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland.
Xildhibaanku waxa uu sheegay in Madaxweynaha uu mas’uul ka yahay sii hurinta xiisadda iyo colaadda ka taagan gobolka Gedo, isagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku dagaalamaya gobolka inay joojiyaan colaadda si loo gaaro xal nabadeed oo waara.
Xaaladda gobolka Gedo ayaa weli kacsan, iyadoo dagaallo culus ay dhawaan ka dhacayeen magaalooyinka Beled Hawo iyo Doolow, halkaas oo ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland ay isku horfadhiyeen.
Dowladda Federaalka ayaa la wareegtay gacan ku haynta magaalada Beled Hawo, dagaalladana waxaa ku dhintay Taliyaha Booliska Gobolka Gedo, Maamula Jubbuland, iyadoo boqolaal qoys ay ka barakaceen colaadda.
Maamulka Jubbaland ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay gobolka ku abuurayso maamul cusub oo ka madax bannaan Jubbaland, isla markaana khilaafkaas uu salka ku hayo dano dibadeed iyo faragelin ay ku lug leeyihiin Itoobiya iyo xulafadeeda gobolka.
Colaadda Gedo ayaa isu beddeshay arrin siyaasadeed iyo mid istaraatiijiyadeed, taasoo halis weyn ku ah xasilloonida gobolka iyo xiriirka Soomaaliya la leedahay dalalka deriska ah.




