MUQDISHO, Soomaaliya – Daahir Amiin Jeesow, oo kamid ah Xildhibaanada Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu awooddii dalka gacantiisa kusoo koobey xili dalka uu wajahayo caqabado amni iyo kuwa siyaasadeed.
“Ciidankii dalka furimaha ayaa lagu laayey, wixii dhintay iyo wax nool ayaa la kala garan la’yahay, Dowladdaana waxay noqotay Xasan baa u weyn Xasan baa u yar,” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle TV Axadii Shalay.
Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa xusay in qorshaha Villa Soomaaliya uu kamid yahay dhismaha Xisbi wayn oo looga taqalusayo Madaxweyniyaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed, kuwaasoo mudo-xileedkii sharciga ahaa markii dhamaadey DFS mudo-kordhin u sameysay.




