R/W Xamza iyo golihiisa wasiirada oo loogu baaqay inay is casilaan + Sababta

0

MUQDISHO (SMN) – Xildibaan Maalik Cabdalla oo kamid ah Golaha Shacabka Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa weerar culus ku qaaday xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

 

 

Xildhibaanka ayaa sheegay in xukuumaddan ay ku fashilantay howlihii loo igmaday, isla markaana ay culeysyo badan ay dareemayaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa soo hadal qaaday hubka lagu dhacay Caabudwaaq iyo canshuurta cusub ee ay soo rogtay dowladda Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay inay dhibaato ku tahay shacabka Soomaaliyeed.

Maalik Cabdalla oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay ra’iisul wasaare Xamza inuu is casilo, si aysan usii badan dhibaato uu sheegay inuu lugaha la galay dalka.

“RW Xamza haddii uusan is casilin shacabku sidii Kenya ayey guriga ugu geli doonaan, waxba dhintay iyo baxsaday ayuu intaas ka sheekeynayaa” ayuu yiri Xildhibaan Maalik.

Halkan hoose ka daawo:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here