MUQDISHO (SMN) – Xildhibaan Maxamed Mursal Cabdiraxmaan oo ah guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka, isaga oo si gaar ah carabka ugu goday Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.
Mursal ayaa tilmaamay in laga gaabiyay abaabulka ka socda labadan maamul, marka loo eego gobolllada kale, isaga oo xusay in loo baahan yahay in howlgalka laga bilaabo Shabeelaha Hoose, Baay, Bakool iyo Jubbooyinka oo dhaca koonfurta dalka Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu farriin u diray siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanadaas oo uu ka dalbaday inay qaataan doorkooda ku aadan xoreynta Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Hadalkan ayaa ku soo aadayo, xilli haatan dalka uu ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo uu xoogiisu ka socdo Galmudug iyo HirShabelle.
Waxaa sidoo kale la filayaa in wejiga labaad ee howlgalkan uu gaaro Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo ka mid ah meelaha ayhaatan ku xoogan yihiin Al-Shabaab.