Muqdisho – Iyadoo eedeymo joogto ah loo jeedinayo Dowladda Soomaaliya, ayaa Xildhibaan Osmaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole) si cad u shaaciyay inuu ka dambeeyay xariga walaalkiis, Xuseen Xaadoole, oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed, kaddib markii uu hadallo kulul oo aflagaado ah u jeediyay Madaxweynaha.
Xildhibaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in walaalkiis uu si cad ugu gafay Madaxweynaha, isagoo ku tilmaamay “tuug dadka dhacaya,” taasoo keentay in uu go’aan ku gaaro in la xiro, balse hadda uu qorsheynayo in lasii daayo.
“Walaalkayga waxa uu ka mid noqday dadka caayaya Madaxweynaha. Ma aqbalayo in qof qoyskeyga ka tirsan uu ku tunto sumcadda Madaxweynaha dalka. Waan amray in la xiro, waana lasoo deyn doonaa, balse waa digniin cid kasta oo Madaxweynaha caaya,” ayuu yiri Xildhibaan Xaadoole.
Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu xusay in cid kasta oo aflagaadeysa Madaxweynaha aan la cafin doonin, lana marsiin doono ciqaab sharci ah.
Hadalka Xildhibaanka ayaa si weyn u hadal hayn ka dhaliyay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan baraha bulshada, iyadoo dad badan ay arrinta ku tilmaameen “xadgudub ka dhan ah xorriyadda hadalka iyo ra’yiga”.
Qaar kamid ah shacabka ayaa u arkay tallaabada Xaadoole mid siyaasadaysan oo muujineysa inuu shaqsiyan uga falceliyay eedeymaha Madaxweynaha loo jeediyay, halka kuwa kale ay difaaceen ficilka Xildhibaanka, iyagoo sheegay in laga fogaado hadallo dhaawacaya masuuliyiinta qaranka.
Arrintan ayaa imaneysa iyadoo mucaaradku ay horey u dhaliileen caburinta dadka ka aragti duwan dowladda, taasoo sii hurin karta doodda ku saabsan xadgudubka xoriyadda hadalka iyo sarreynta sharciga.




