Xildhibaanad Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay miisaaniyadda 2024-ka

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi cabdillaahi, ayaa shir guddoominaya kulanka wadajirka ah ee labada aqal kulankiisa 4-aad oo ajandihiisu yahay, Warbixinta Akhrinta 2-aad ee xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2024.

 

Xildhibaannada ayaa intaa kadib ka dooday akhrintaa 2-aad ee miisaaniyadda dowladda ee wasaaradda Maaliyadda ay u soo gudbisay Baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya,waxana cod gacantaag ah ay ku ansixiyeen xildhibanada labada gole Miisaaniyadda dowladda ee 2024-ka

186 Mudane oo ka kooban Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa gacantaag ku ogolaaday miisaaniyadda halka ay diideen 3 Mudane.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo meel-marinta Miisaaniyadda kadib la hadlay Baarlamaanka ayaa u mahadcelyay, waxa uuna tilmaamay muhiimadda Miisaaniyaddani ay u leedahay Hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya oo hadda gaba gaba maraya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here