Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo wajahaya eedo culus

0

MUQDISHO [SMN] – Baarlamanka Soomaaliya ayaa wajahaya eedo xoog leh oo la xiriira howl-gudasho la’aan iyo in kaliya ay eegtaan danahooda dhaqaale iyo maslaxadooda siyaasi.

 

C/qaadir Diini oo kamid ah hogaanada ururada bulshada Raydka oo wareysi siinayay Shabelle ayaa sheegay in Baaralamanka Soomaaliya uu gabay shaqooyinkiisii laga doonayay

Wuxuu ku eedeeyay baaralamnka in ay fadhiid yihiin oo kaliya ay ka shaqeeyaan xili dhawaan ay Furmayaan kalafadhiyada baarlamanka.

Cabduqaadir diini ayaa xusay in Dadka Muqdisho ay dhibaateesanyihiin oo ay hayssyo dhaqaalo xumo xoog leh islamarkaana aysan u diyaarsaneen in ay aadaan doorasho qof iyo cod.

Baarlamanka Soomaaliya ayaa la sheegayaa inuu u janjeero ajandayaasha Villa Soomalaiya oo la tilmaamy in aysan jirin isla xisaabtan dhab ah oo ay ka yeeshaan Hay’adaha dowladda balse ay aqbalaan kaliya danaha madaxda haysa talada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here