Xildhibaanada BF oo kulan xasaasi ku leh magaalada Muqdisho + Ujeedka

0

MUQDISHO (SMN) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inay kulan xasaasi ah ku yeeshay xaruntooda Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

 

Kulankan ayaa qorshuhu yahay in looga hadlo xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doodda ka taagan arrimaha wax ka beddelka ee dastuurka KMG ka ah.

Xildhibaanada ayaa la filayaa inay sii amba qaadaan dooddooda, maadaama dhowaan ay ansixiyeen habraaca wax ka beddelka dastuurka dalka.

Si kastaba, kulankan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay shir ka dhacay Garoowe ku ballansan yihiin madaxda dowladda, kuwa Puntland iyo mucaaradka, kaas oo isna looga hadlayo wax ka beddelka dastuurka oo ay ku howlan yihiin baarlamaanka iyo Villa Somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here