Xildhibaanada BF Soomaaliya oo dood ka yeeshay wax ka beddalka Dastuurka

0

MUQDISHO (SMN) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta dood adag ka yeeshay mooshinka muddo kordhinta madaxweynaha iyo labada aqal oo horay golaha loo horgeeyay.

 

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa aragtiyo kala duwan doodan ka bixiyay qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ahna ergeyga gaarka ah ee arrimaha bani’aadanimada ayaa soo jeediyay in la laalo mooshinkan, isaga oo sheegay inuu wiiqayo dagaalka xilligan lagula jiro Al-Shabaab.

 

“Mooshinkan waxaa ku jira ajandayaal lagu wiiqayo dib u xorreynta dalka, isaga dhan hala laalo” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Aragti ka duwan tan Cabdiraxmaan Cabdishkuur waxaa isna qaba Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne oo sheegay inuu soo dhoweynayo in muddo xileedka laga dhigo 5 sano.

”Waxaan soo dhaweynayaa in 5 sanno laga dhigo muddo xileedka Dowladda” ayuu isna yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne

Cabdifitaax Qaasim oo ka tirsan Golaha Shacabka, sidoo kalena ah wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegay in mooshinkan uu dalka gaarsiinayo qof iyo cod.

“Mooshinkan waa muddo kordhin si dalka loo gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah” ayuu dhankiisa yiri Xildhibaan Cabdifitaax Qaasim.

Doodan xasaasiga ah ee dhex taalla Baarlamaanka ayaa soo bilaabatay bishii Febraayo sanadkan, ayada loo xil-saaray guddi uu horkacayo xildhibaan Mahadi Guuleed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here