MUQDISHO — Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda maalinlaha ah ku ansixiyey Axdiga Xakameynta Tubaakada, oo qeyb ka ah dadaallada lagu xakameynayo maandooriyaha ku faafay bulshada Soomaaliyeed.
Axdiga ayaa waxaa ansixiyey 139 Xildhibaan, halka seddex Xildhibaan ay ka aamusteen, wax diidmo ahna aan la soo bandhigin. Ansixinta ayaa lagu dhawaaqay intii uu socday Shirka Gudoonka Maanta, waxaana ku dhawaaqay Guddoomiyaha Ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka, Cabdullaahi Cumar Abshirrow.
Xeerkan cusub wuxuu xooga saarayaa xakameynta tubaakada iyo wax ka qabashada xaaladaha maandooriyaha, isagoo qayb ka ah dadaallada dowladda ee la dagaalanka noocyada kala duwan ee maandooriyaha ee saamayn xoogan ku leh dhalinyarada Soomaaliyeed.
Arrintan ayaa daba socota dadaallo hore oo ay sameeyeen Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir, kuwaas oo dhawaan soo bandhigay agab kala duwan oo maandooriye ah oo si sharci-darro ah dalka loogu keenay. Tallaabooyinkan ayaa qayb ka ah qorshaha dowladda ee ku aaddan ka hortagga waxyaabaha maskaxda dooriya iyo ilaalinta caafimaadka bulshada.



