GAROOWE (SMN) – Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa loo doortay guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Puntland 2024 -2029, kadib doorasho maanta ka dhacday magaalada Garoowe.
Cabdirisaaq Axmed ayaa wareegii koowaad helay 37 cod, waxaana wareegii labaad tanaasulay musharaxiintii la tartami lahaa, sida uu shaaciyay guddoomiyaha KMG ka ah ee golaha wakiilada Puntland oo shaaciyay natiijada doorashada guddoonka cusub.
Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha ayaa waxaa loo doortay Mudane Maxamed Baarri Shire, halka labaad uu ku soo baxay Maxamed Maxamuud Ciise (Awoowe).
Doorashada guddoonka golaha waxaa kusii xigta midda madaxweynaha oo ay weli isku hayaan xubnaha mucaaradka iyo sidoo kale madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.