Xildhibaanada Hawiye oo iclaamiyey shirweyne ay sheegeen in lagu badbaadinayo dalka

0

MUQDISHO (SMN) – Kulan labaad oo daba socday kulan dhawaan ay yeesheen Xildhibaanno ka soo jeeda Beesha Hawiye ayaa waxaa xalay uu ka dhacay magaalada Muqdisho kaas oo ay la qaateen Xildhibaanada ganacsato ,siyaasiyiin iyo odoyaal dhaqameed ka soo jeeda Beesha Muddulood.

Waxa la iska wareystay xaaladaha dalka uu marayo, culeysyada Shacabka Soomaaliyeed saaran iyo iyo qalaadaadka ula kaca ah ee dowladdu ku dhibaateyneyso shacabka.

Falanqeyn iyo dood dheer ka dib waxaa la isku raacay

1. Waxaa la doortay guddi qabaqaabo Shirweyne Hawiye si Hawiye uu isaga badbaadiyo, ummadda soomaaliyeedna ugu badbaadiyo ,isagana bari yeelo khatarta jirta iyo in magaca dowladeed lagu geysanayo ku tagrifal awoodeed taas oom uu masuuliyadda koowaad leeyahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Shiikh Maxamuud maadaama iyagu ay leeyihiin gacan qabashadiisa oo u uku abirsado, badankoodna ay lahaayeen sababta guushiisa .

2. In xal loo helo cabashada xarka goostsya ee Ganacsatada Soomaaliyeed oo Gobolka Banaadir iyo Nawaaxigiisa ka haysta dhiigmiirad aan u naxaynin taas oo ay u dheer tahay codowga Khawaarijta oo amarro naf lacaarinimo ay ka muuqato dul dhigay.

3. In Gogosha la balaariyo oo lagu casuumo dhamaan wax garadka qabaa’ilka Soomaaliyeed ,sabatoo ah hab dhaqanka rajiimka talada haya maahan mid u adeegaya danta guud ee Shacabka ,midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed.

4. In Siyaasiyiinta dalka loogu baaqo in ay u I staagaan ka qeyb qaadashada toosinta dowladnimada si aan dalka uga dhicin haadaan aan laga soo saari karo iyo in Soomaaliya ay noqoto goob ay ku hardamaan dalal leh maslaxadooda gaarka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here