Kismaayo – Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda ansixiyaan kursiga Madaxweyne Ku-Xigeenka labaad ee Jubbaland, kadib geeridii Suldaan Cabdulqaadir Luga Dheere oo dhawaan ku geeriyooday dalka Kenya, aasna loogu sameeyay magaalada Kismaayo.
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa la rajeynayaa inuu dhowaan magacaabo shaqsiga beddeli doona marxuumka, kaasi oo marka la magacaabo ay xildhibaanadu cod u qaadi doonaan si sharciyan loo ansixiyo.
Sida ay warbaahinta Shabelle u xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland, dadaallada lagu buuxinayo jagadaasi ayaa si habsami leh u socda, waxaana laga war sugayaa go’aanka madaxweynaha.
Gogosha tacsida ee ka furan magaalada Kismaayo ayaa sidoo kale la filayaa in la soo laabo maalmaha soo socda, taasoo ah astaan muujinaysa dhammaadka baroor-diiqda, si loo guda galo habraaca rasmiga ah ee magacaabista iyo ansixinta beddelka Madaxweyne ku-xigeenka labaad.
Sida uu dhigayay nidaamka dowlad-goboleedka Jubbaland, Madaxweynaha ayaa leh awoodda magacaabista ku-xigeennadiisa, halka Baarlamaanka Jubbaland uu leeyahay xaqa ansixinta, si uu shaqsigu u helo sharciyad buuxda.
Suldaan Cabdulqaadir Luga Dheere ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta ugu waaweyn ee Jubbaland, waxaana geeridiisa si weyn looga murugooday gudaha maamulka iyo guud ahaan bulshada reer Jubbaland.




