Xildhibaanada kasoo jeeda K/Galbeed oo shir xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – In ka badan 50 Xildhibaanoo Digil iyo Mirifle ah oo shir degdeg ah ku yeeshay Villa Hargeysa ayaa isla gartay talaabada ay qaadayaan haddii 24-saac gudahooda lagu soo magacaabi waayo Ra’iisul Wasaare Ku Xigeen labaad oo D&M ah.

 

Kulankan aan caadiga ahayn oo muujinaya in dalka uu galay xaalad siyaasadeed oo  xasaasi ah ayaa waxa uu imaanayaa xilli Xildhibaanada, Wasiirada iyo Madax kale oo udhashay beesha Dir ay  ishor taag ku sameeyeen magacaabistii Ra’iisulwasaare Ku-xigeenka 2aad.

Waxaa ka horreeyay shirkan mid kale oo ay xalay xildhibaannada kasoo jeeda gobollada waqooyi iyaguna ku yeesheen Muqdisho oo ay ku diideen qorshaha haatan socda.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here