Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jubbaland oo War-saxaafadeed ka Soo Saaray Dagaalkii Kudhaa

0

MUQDISHO — Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay si buuxda ugu bogaadinayaan guusha ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, iyo Ciidamada Amniga Jubbaland ka gaareen fashilinta weerar argagixiso oo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku qaadeen magaalada Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose.

 

Xildhibaanadu waxay sheegeen in howlgalkii ka dhacay Kudhaa uu ahaa mid si xeeladaysan loo fuliyay, laguna gaarsiiyay cadowga jab culus, taas oo muujinaysa awoodda, feejignaanta, iyo wada-shaqeynta adag ee u dhexeysa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Amniga Jubbaland.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in Baarlamaanka Jubbaland uu garab taagan yahay ciidamada qalabka sida, isla markaana ay ka go’an tahay taageeridda dhammaan dadaallada lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab, laguna xaqiijinayo amniga, xasilloonida, iyo nabadda guud ahaan deegaannada Jubbaland.

Xildhibaanada Labada Aqal waxay tacsi tiiraanyo leh u direen qoysaska iyo ehellada shacabkii iyo ciidamada ku waxyeelloobay dagaalka, iyagoo Alle uga baryay naxariis iyo caafimaad degdeg ah intii ku dhaawacantay howlgallada.

Ugu dambeyn, Xildhibaanadu waxay ugu baaqeen shacabka Jubbaland in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, kana feejignaadaan falalka argagixisada, iyagoo adkeeyay in dagaalka lagula jiroAl-Shabaab uu sii socon doono ilaa laga xaqiijiyo nabad iyo amni waara.

May be an image of textMay be a graphic of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here