Xildhibaanno ka tirsan BF oo ka horyimid go’aanka wasaaradda maaliyadda

0

MUQDISHO (SMN) – Qaar kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta hadal ka jeediyay kulanka baarlamaanka ayaa si weyn uga horyimid qorshaha wasaaradda maaliyadda ee ku aadan lacagaha canshuuraha ee ay soo rogtay.

 

Xildhibaan Faa’iso Maxamed Jayte iyo Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo labaduna kahor hadlay baarlamaanka ayaa tilmaamay in arrintan ay dhibaato horleh ku tahay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho, isla markaana ay tahay in baarlamaanka uu tallaabo qaado.

Sidoo kale waxay xildhibaannadan ku doodeen in baarlamaanka uu metalo shacabka, isla markaana ay isla xisaabtan dhab ah la sameyn doonaan wasaaradda maaliyadda.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhowaan wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ay shaacisay in canshuur ay ka qaadeyso lacagaha la’isugu diro taleefoonada, sida EVC-ga eDahabka iyo Wallet-ka, oo ay si aad ah u adeegsadaan shacabka magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here