Xildhibaano badan oo xalay ku shiray guriga Sheekh Shariif + Ujeedka

0

MUQDISHO (SMN) – In ka badan 40 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha shacabka ee BFS iyo siyaasiyiin kale oo horey xilal uga soo qabtay Dowladda ayaa xalay shir xasaasi ah ugu soo dhamaaday guriga uu ka degan yahay Muqdisho Madaxweynihii hore ee dalka Xildhibaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

Siyaasiyiinta ka qeyb galay kulankan u dhaxeeyay Xildhibaanada iyo madaxweynihii hore Shariifka waxaa kamid ah Guddoomiyayaal hore ee Gobolka Benaadir, iyo Wasiiro hore.

Kulanka oo saacado badan qaatay waxaa intiisa badan looga hadlay xaaladaha siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Lama oga waxa ay dhinacyadu isku afgarteen balse xogo ay Shabelle heshay ayaa sheegaya in lagu balamay in lasii wado is-aragyada noocaan oo Kale ah islamarkaana la badiyo tirada ka qeyb galayaasha iyo kulamadaba.

Tan iyo intii uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku dhawaaqay in hub ka dhigis lagu sameyn doono siyaasiyiinta iyo saraakiisha hubeysan waxaa batay guuxa iyo dhaqdhaqaaqa siyaasiyiin tuhun ka qaba in hadalka Madaxweynaha iyo nooca doorasho ee ay Dowladdiisu rabto ay xiriir ka dhaxayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here