Xildhibaano dacwad culus ka gudbiyay madaxweynaha maamulka Puntland

0

GAROOWE (SMN) – Maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland ayaa maanta guda gashay dacwad xasaasi ah oo ka dhan ah madaxweynaha maamulkaasi, Saciid Cabdullaahi Deni.

 

Dacwaddan ayaa waxaa gudbiyay siddeed xildhibaan oo horay looga saaray golaha wakiilada ee dowlad goboleedka Puntland, kadib markii ay is qabteen Saciid Deni.

Maxkamadda ayaa maanta soo gabagabeysay fadhi ay ka yeelatay dacwaddan, ayada oo lagu ballamay dhageysi kale.

Qareenka u doodaya xildhibaanada dacwadda gudbiyay oo lagu magacaabo, Cabdijaliil Saciid Xaashi ayaa ka dalbaday maxkamadda in dib loogu dhigo dhageysiga gar-maqalka, isla-markaana uu so gudbin doono dukumintiyo ka dhiman dacwaddiisa.

Puntland ayaa waxaa haatan ka taagan xasarado siyaasadeed, waxaana jira dacwad kale oo ay gudbiyeen xubnaha mucaaradka oo diidan furista dastuurka maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here