MUQDISHO, Soomaaliya — Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo dad rayid ah ayaa ku xayiran Garoonka Diyaaradaha ee Aden Adde International Airport ee Muqdisho, kadib markii la sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay amartay diyaarad ay leedahay Daallo Airlines inay dib uga soo laabato magaalada Garoowe.
Diyaaradda, oo siday xildhibaano ka soo jeeda maamulka Puntland kana tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka, iyo sidoo kale dad shacab ah, ayaa loo diiday inay ka degto Garoowe, waxaana lagu qasbay inay dib ugu soo laabato Muqdisho.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in rakaabkii saarnaa diyaarada ay weli ku sugan yihiin garoonka Muqdisho, iyagoo sugaya xal rasmi ah oo ku saabsan safarkooda.
Dowladda Federaalka Soomaaliya weli si rasmi ah ugama hadlin sababta keentay in la hor istaago degitaanka diyaaradda ee Garoowe, arrintaas oo abuurtay jahawareer iyo walaac siyaasadeed.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay jiraan khilaafaad siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland.




