Muqdisho – Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u dhaliilay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ku eedeeyay in uu si aan sharci ahayn u afduubtay howlaha Golaha Shacabka, ayna muuqato in Madaxtooyadu si toos ah u faragelinayso jadwalka shaqada Baarlamaanka.
Maalintii maanta oo Arbaco ah ayaa markii horre loo qorsheeyay in si rasmi ah loo furo kal-fadhiga 7-aad ee Baarlamaanka, balse furitaankaasi wuu baaqday, iyadoo warar kala duwan ay sheegayaan in madaxweynaha uu codsaday in dib loogu dhigo ilaa 29-ka bishan September.
Sida uu qabo dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, madaxweynaha ayaa fura kal-fadhiyada Baarlamaanka. Eedeymaha cusub ayaa kusoo beegmaya iyadoo kal-fadhiyadii hore ee Baarlamaanka ay si isdaba-joog ah u baaqanayeen, kuwaasoo u badnaa sababo la xiriira khilaafaad siyaasadeed iyo cadaadis uga imaanayay dhinaca Madaxtooyada iyo Xukuumadda.
Xildhibaanada dhaliilay dib-u-dhaca kal-fadhiga ayaa ku tilmaamay arrintan “afduub sharci-darro ah” oo lagu hayo hay’adda sharci-dejinta dalka, iyagoo ku eedeeyay madaxweynaha in uu doonayo in Baarlamaanka laga hor istaago doorkiisa dastuuriga ah, gaar ahaan la xisaabtanka hay’adaha kale ee dowladda.
Eedeymahan ayaa kusoo aadaya xilli dalka uu wajahayo caqabado siyaasadeed, amni iyo dhaqaale, iyadoo Baarlamaanka laga sugayo ansixinta sharciyo muhiim ah oo ku saabsan doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka iyo maareynta kheyraadka dalka.





