Xilliga ay dhaceyso doorashada gudoonka labada Gole ee BF oo la shaaciyey

0

MUQDISHO (SMN) – Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey jadwalka iyo habraaca doorashada guddoonka golaha shacabka iyo Aqalka Sare kadib kulan wadajir ah oo ay maanta ku yeesheen gudaha magaalada Muqdisho.

Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxay dhaceysaa 27-ka April, halka doorashada Guddoomiyaha Aqalka Sare la qorsheeyey inay dhacdo 26-ka April, sida lagu ansixiyey kulankii maanta.

Labada Aqal ayaa 19-ka ilaa 20-ka April qabanaya diiwaan-gelinta murashaxiinta u taagan guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo kan Aqalka Sare.

Dhinaca kale, baarlamanka ayaa kordhiyey lacagta diiwaan-gelinta musharaxiinta u taagan xilka guddoomiyaha oo laga dhigay $40,000, halka sanadkii 2016 ay ka aheyd $30,000. Waxaa sidoo kale la kordhiyey lacagta diiwaan-gelinta musharaxiinta guddoomiye ku-xigeenada oo laga dhigay $20,000 halka kalkii hore ay ka aheyd $15,000.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here