Xisbiga Himilo Qaran oo bayaan culus soo saaray kadib shirkii Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Shariif Sheekh Axmed ayaa bayaan culus oo uu soo saaray kaga hadlay qodobada kasoo baxay shirkii golaha wadatashiga qaran iyo xaaladda guud ee dalka.

 

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xisbiga Himilo Qaran ayaa waxaa lagu dalbaday in marka hore saaxadda siyaasadda lagu soo celiyo Puntland, xalna loo helo doorashooyinka, waxaana kamid ah qodobada bayaanka:-

In xal degdeg ah loo helo ka maqnaashaha Puntland ee shirka golaha wadatashiga qaran, maadaama mabaadii’ida uu golahaani u dhisan yahay ay wadar ogol tahay.

In loo diyaar-garoobo fatahaadaha ka dhalanaya isbedelka ku yimid cimilada addunka, iyadoo la caawinayo dadka ay fatahaaduhu saameeyeen, loona digayo kuwa weli ku nool goobaha halista ugu jira inay saameeyaan fatahaafaha la saadaalinayo.

In golaha wadatashiga qaran ay masuuliyad gaar ah iska saaraan xal u helidda khilaafka ka taagan qaabka loo dhameystirayo dastuurka.

In wax laga bedelo dagaalka Al-Shabaab, laguna wajaho qorshe dagaal oo quburo ciidan ay dejiyeen, iyadoo qorshe cad laga yeelanayo bixitaanka ciidamada ATMIS.

In madaxda dowlad goboleedyada uu waqtigu u dhamaaday ay qabtaan doorasho hufan, taas oo qodobka 20-aad ee dastuurka dalka uu u ogolaanayo.

Iyo in golaha wadatashiga qaran uu dejiyo qorshe lagu difaacayo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, isla markaana looga hortegi karo damaca Itoobiya uga jira badda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here