Xisbiga Himilo Qaran oo cambaareeyay dhalinyarada KGS ee la dhibaateeyay

0

MUQDISHO (SMN) – Xisbi siyaasadeedka Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa war xasaasi ah kasoo saaray jirdil iyo dhibaato loo gaystay dhalinyaro kasoo jeedo Koonfur Galbeed oo xalay xuska calankooda ugu dabaal-dagayay magaalada Muqdisho.

 

Xisbiga oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa cambaareeyay falkan, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay in si gaar ah loo bartilmaameedsado dhalinyarada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay laamaha ammaanka inay tallaabo adag ka qaadaan ciidamadii ka dambeeyay falkaasi.

“Xisbiga Himilo Qaran wuxuu si adag u cambaaraynaayaa dhibaatada caawa loo geystey dhallinyarada reer KGS ee iyagoo si nabad ah ugu dabaal degaayey ciidanka loo adeegsadey halkaasna ay dhaawacyo iyo dhibaato kasoo gaartay’ ayaa lagu yiri qoraalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here