Muqdisho – Xisbiga Himilo Qaran ayaa si cad ugu sheegay ummadda Soomaaliyeed inuusan aqoonsanayn waxa loogu yeeray “Dastuurka cusub”, isagoo ku dooday in wax ka beddelka lagu sameeyey uusan waafaqsanayn hannaanka sharciyeed iyo wadatashi qaran oo loo dhan yahay.
War-saxaafadeed kasoo baxay xisbiga ayaa lagu sheegay in wax ka beddel kasta oo lagu sameeyo dastuurka dalka uu ku imaan karo oo keliya hab sharci ah oo waafaqsan qodobada Dastuurka Kumeelgaarka ah, isla markaana ay ka qayb qaataan dhammaan hay’adaha dastuuriga ah ee labada heer dowladeed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.
Xisbiga Himilo Qaran ayaa sidoo kale caddeeyey in muddada xil-haynta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ku egtahay 14-ka Abriil 2026, halka muddada xil-haynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku egtahay 15-ka Maajo 2026, sida ay qeexayaan qodobada 60-aad iyo 91-aad ee dastuurka. Qodobadan ayaa dhigaya in muddada xil-haynta Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ay tahay afar sano, taas oo ka bilaabanaysa maalinta xilka loo dhaariyo.
Ugu dambayn, Xisbiga Himilo Qaran ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya inuu muddada yar ee ka hartay xil-hayntiisa sharciga ah diiradda saaro sidii lagu heli lahaa doorasho heshiis lagu yahay, si looga fogaado qalalaase siyaasadeed iyo hubanti la’aan ku timaadda mustaqbalka dowladnimada iyo xasilloonida dalka.




