MUQDISHO – May 13, 2025: Xisbiga Siyaasadeed ee Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay magaalada Muqdisho, iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, loo doortay Guddoomiyaha Xisbiga.
Munaasabadda daahfurka xisbiga ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, qaar ka mid ah madaxda Dowlad-Goboleedyada, mas’uuliyiin sare iyo marti sharaf kale oo kala duwan.
Xisbiga JSP ayaa ah urur siyaasadeed ballaaran oo ka turjumaya isbaheysi cusub oo siyaasadeed, kana shaqeyn doona arrimaha cadaaladda, midnimada, iyo horumarka dalka.
Shirweynihii ugu horreeyay ee ururka ayaa lagu doortay hoggaanka sare ee xisbiga, waxaana JSP uu hadda ka mid noqonayaa ururrada siyaasadeed ee u tartamaya doorasho qof iyo cod ah oo loo diyaargaroobayo sanadaha soo socda.
Xisbiga ayaa lagu tilmaamay mid horseedi kara isbeddel siyaasadeed oo cusub, iyadoo la filayo inuu door muuqda ka ciyaaro hanaanka dimoqraadiyadeed ee dalka.



